Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi
Xamdiga
Ku xamdinta Ilaahay, oo ah ku mahdintiisu waa wax aad u wayn, xamdiga qaarkiisna Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa gooni loo siiyay, sida:
Kow. Markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Maalinta Qiyaame shafeeco qaadayo, wuxuu Ilaahay Tacaalaa ku xamdinayaa Xamdi uu Ilaahay markaas barayo, markaasuu ku xamdinayaa, oo uu sidaas ku noqonayaa Axmada Al Xaamidiina, oo ah midka inta xamdida ugu xamdi badan. Markaasuu Rabbigiis shafeecadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aqbalayaa. Markaasuu dadkuna Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku xamdinayaa.
Labo. Suuradda Al Xamdu liAllaahu, waana Faataxada, isagaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lagu gooni yeelay, oo hortiis Nabi kale lama siin.
Saddex. Maalinta Qiyaame, isagaa, Sallallaahu Calayhi Wasallam, sida Calanka Xamdiga, oo gacantiisuu ku jiraa.
Afar. Isagaa, Sallallaahu Calayhi Wasallam, la siiyay, oo lagu gooni yeelay Al Maqaamu Al Maxmuudu, oo ah mqaanka la mahdiyo oo uu qof keli ah leeyahay.
Shan. Annagana waxaa naloo jideeyey in markay arrimuhu noo dhammaadaan aan niraahdno: Al Xamdu liAllaahi Raabi Al Caalamiina, sida ku xusan Aayadda shan iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Zumur iyo Aayadda tobonaad ee Suuratu Yuunus: " Wa aakhiru dacwaabum ani Al Xamdu liAllaahi Rabbi Al Caalamiina. ", oo macneheedu yahay: "Ducadoodana waxaa ugu dambeeya ayagoo leh Al Xamdu liAllaahi Rabbi al caalamiina." Markaan cunnada cunnana waa annaga niraahna al xamdu liAllaahi Rabbi al caalamiina. Markaan safar ama socdaal kasoo laabannana waa isaguu Nabigu, Sallallaahu Calayhi Wasallam, noo sunneeyey inaan niraahno: " Aayibuuna, taa’ibuuna, caabiduuna, li Rabbinaa xaamiduuna", oo macneheedu yahay: "Annagoo noqonnay, oo tawbad keeneynna, caabdueynna Rabbiga caalamiinta, xamdineynana."
qurankariim@webmaster.net
E-mail
us: qurankariim@webmaster.net
Email
Us: qurankariim@webmaster.net