|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 

Kitaabka Al masxu calaa al khuffayni Waxaa soo tarjumay oo kasoo qaatay kitaabka Al Imaamu Al Nawawii ee Al Majmuuc Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan



Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi

Al Imaamu Al Nawawii wuxuu kitaabkiisa al majmuuc ku yiri:

Khuff wuxuu yahay

Al khuffu waxaa la yiraahdaa cagta awrta ee adag. Khufka dadku labbistana waa kabo wayn oo sida buutka oo kale ah, daboolayana intay ahayd in waysada la dhaqo oo ah cagta ilaa canqawga. Si kabtaasu khuff ku noqoto, ayuu Al Sh-shaaficii yiri, waa in laga helaa laba shardi o kala ah:

(Kow) inuu xoog leeyahay oo adag yahay.

(Laba) in lagu socon karo."

Shuruudaha ay tahay in khufka laga helo

(Kitaabka Kifaayatu al aqkhyaari fii xalli ghaayati al ikhtisaari ee uu dhigay Al Imaamu Taqiyu Al Ddiini Abii Bakrin bin Muxammad Al Xusaynii Al Xusnii Al Dimashqiyyi Al Sh-shaafici wuxuu soo guuriyay inuu Al Shaykhu Abuu Muxammad yiri: "inta uga gaaban oo lagu socon karana waa qiyaas masaafada salaadda lagu gaabiyo." Masaafadaasna waa qiyaas shan iyo sideetan kiiloomitir)

Wuxuu khufku ka samaysan yahay

Khufku wuxuu ka samaysnaan kara harag, ama dhar ama suuf, ama qori, suurta gelinayana in lagu socdo dhib la'aan.

Shuruudaha Khufka

Shuruudihiisana waxaa ka mid ah:

(Kow) inuu labada cagoodba daboolo ilaa intay tahay in la dhaqo, oo hadday cag bannaan tahay ama wax ka bannaan yihiin lama masixi karo.

(Laba) inuu khufku xoog leeyahay oo qofku ku socon karo, sida kabaha loogu socdoo oo kale, ugu yaraan ilaa masaafada salaadda laga gaabinayo, oo ah qiyaas shan iyo sideetan kiiloomitir.

(Saddex) waa inayan biyuhu gelayn oo haddii biyo lagu kor shubo ayan qofka haraggiisa gaarayn, oo hadday gaarayaan khuf ma aha ee waa in cagaha la dhaqo.

(Afar) inuu ka samaysan wax daahir ah.

Masaxidda khuffaynku waa ruqso ee ma aha sharciga asaasiga ah

In laba khuf labada gacnood oo biyo lasoo mariyay oo qoyan lala mariyo waa rukhso ee ma aha sharciga asaasiga ah. Sharciga asaasiga ahi waa in laba cagood biyo lagu dhaqaa, sidaan ku arkaynno baabka waysada, oo uu Ilaahay ku amarayo in cagaha la dhaqo, Aayadda lixaad ee Suuratu Al Maa'idah. Inta badanna waxaa khufka loo masixi jiray marka safarka iyo jihaadka lagu jiro. Mu'allifku, waana imaamka dhigay kitaabka Al Muhath-thab magaciisuna yahay Abii Isxaaq Ibraahiim bin Calii bin Yuusuf Al Fayruuz Abaadii Al Shiiraazii Allaha u naxariistee oo la oofsaday afar boqol lix iyo toddobaatan Hijriga una dhiganta kun saddex iyo sideetanka miilaadiga oo ah qiyaas mar hadda laga joogo kun sano, oo uu imaam Nawawii sharxayo kuna magacaabay Al Majmuuc ma oran ayuu Al Nawawii yiri: "way bannaan tahay in labada khuffayn la masaxo, mana uusan oran waa sunno ama waa wax loo bogo", waxaana u daliil ah inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku taagnaa inta badan ee waqtiyada ah inuu labadiisa cagood dhaqi jiray, ayadoo ay dhiqiddu tahay asliga, oo ka fadli badan gobagobaysiga." Inay ruqso tahay waxaa kaloo u daliil ah Xadiithka uu Al Nasaa'ii ka wariyay Safwaan oo yiri: "arkhasa lanaa an laa nanzica khifaafanaa", oo macnihiisu yahay: "wuxuu noo ruqseeyey inaanan khuffaaynkeenna iska siibin." Marka waa ruqso, caziimaduna waa in labada cagood la dhaqaa.

Xadiithka bannaynaya masaxidda khuffaynka

In labada khuf la masixi karo waxaa u daliil ah Xadiithku Al Bukhaarii, waana Xadiithkiisa afar kun afar boqol kow iyo labaatan, ka wariyay Al Mughiirah bin Shucbah inuu yiri: "Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, labada khuffaayn gacantiisuu biyo la mariyay duullaanka Tabuuk." Al Bukhaarii wuxuu kaloo Al Mughiirah bin Shucbah ka wariyay, waana Xadiithkiisa boqol laba iyo sideetan, inuu "Al Mughiirah bin Shucbah uu la socday Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo safar ku jira, markaasuu xaajadiisa u fogaaday. Markaasuu Al Mughiirah biyaha waysada ku kor shubaa isagoo waysa qaadanaya. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam dhaqay wajigiisa iyo labadiisa gacnood madixiisana biyo mariyay labadiisa khufna uu gacanta biyo la mariyay."

Labada shardi oo masixidda ka horreysa

Laba shardi waa in la helaa si khufka lagu masixi karo o kala ah:

(Kow) in marka hore uu qofka gashaday isagoo wayso qaba.

(Laba) inuu yahay khuf u qalma in gacanta la mariyo oo leh tilmaamaha khufka.

Mudada masixidda loo gooyay

Mudada khufka gacanta qoyan la marin karo waxaa xadiday Nabi Muxmamad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siduu Al Tirmithii, waana Xadiithkiisa lix iyo sagaashan, uga wariyay Safwaan bin Cassaal Al Muraadiyyi oo yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa midka na amra in markaan safar ku jirno inaanan khufafka aan xirannahay iska siibin saddex maalmood iyo saddexdooda habeen, intaan ka ahayn hadday janaabo nagu dhacdo, oo markaas ay tahay in la siibo oo la qubaysto oo la wayso qaato, aananse u siibin xaar ama kaadi ama seexasho."

Al jawrabo ama sharaabaadka

Al jawrabu waxaa afka Carabiga lagu yiraahdaa waxa lugaha la gashado oo maanta kaalsooyin ama sharaabaat ama wax la mid ah la yiraahdo, kana samaysan marada ama dunta ama suufka. Ma jiro Xadiith saxiix ah oo ka sugaya inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jawaaribtiisa gacanta biyo la mariyay, oo Xadiithka Al Mughiirah uu ku yiri:

"Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu gacanta mariyay labadiisa jawrab iyo labadiisa kabood", ahna Xadiithkiisa sagaal iyo sagaashan, waxay culummadu yiraahdeen waa daciif, waxaana sidaas yiri Al Xaafithu ibnu Xajar Al Casqalaani oo Saxiixu Al Bukhaarii sharxay, Al Bayhaqii, Sufyaan Al Thawrii, Cabdu Al Rraxmaan bin Mahdii, Imaam Axmad bin Xanbal, Calii bin Al Madiinii, Yaxyaa bin Maciin, Imaam Muslim bin Al Xajjaaj, kuwaasoo ah calammada Xadiithka, Al Tirmithii haba yiraahdo waa Xadiith xasan ahee, oo ayagaa laga hor marinayaa oo la rumaysanayaa.

Bal mid kuwaas ka mid ah hadduu keligiis yiraahdo waa daciif isagaa Al Tirmithii laga hor marinayaa oo la rumaysanayaa, siday isku waafaq san yihiin culummadu. Midda kalee jawaaribtu ma aha khuf oo magacaas lama yiraahdo, waxa la ruqseeyayna in la masaxana waxaa la yiraahdaa khuff.

Al Shaaficii Al Umm ku yiri: "way bannaan tahay ina jawaaribta la masaxo haddii laga helo laba shardi oo kala ah:

(Kow) inay adag yihiin, iyo (Laba) inay hoos kabo harag ah ka yihiin oo lagu socon karo.

Xadiithka uu Al Tarmathii ka wariyay Al Mughiirah bin Shucbah, waana Xadiithkiisa sagaal iyo sagaashan, oo leh: "Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu masaxay labadiisa jawrab iyo naclaynkiisa, oo ah kabaha aan xirnayn", waa daciif oo ku dhaqan ma laha.

Al Doktoor Muxammad Al Madhrajii oo kitaabka Al Mujmuuc sharxay wuxuu yiri: "Al Bayhaqii wuxuu yiri: "Muslim bin Al Xajjaaj wuxuu yiri waa Xaiith daciif ah", wuxuuna yiri: "Abuu Qays Al Awdii iyo Huzayl (oo Xadiithkaan Al Mughiirah ka wariyay) ma qaadi karaan ayagoo khilaafay ragga waawayn oo isla Xadiithkaan ka wariyay Al Mughiirah bin Shucbah oo wariyay inuu yiri: "masaxa calaa al khuffayni" oo ah "Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam laba khuffayn ayuu masaxay (oo erayga jawrab iyo naclayn 5 ma ayan warin). Quraanku wuxuu xukumayna uga tegi maynno kuwo la mid ah Abii Qays iyo Huzayl." Cabdu Al Rraxmaan bin Xanbal wuxuu yiri: "aabahay ayaan u wariyay Xadiithkaan markaasu wuxuu yiri: "arrinkaan laguma warin waxaan ahayn Xadiithka Abii Qays." Wuxuuna yiri: "Cabdu Al Rraxmaanu bin Mahdii wuu diiday inuu Xadiithkaan dadka u wariyo oo u sheego wuxuuna yiri:

"huwa munkar" o ah "waa been". Al Nasaa'ii wuxuu yiri:

"ma naqaanno qof ku raacay Abuu Qays riwaayaddaan." Waxaana saxiix ah inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam labada khuffayn masaxay. Calii bin Al Madanii wuxuu yiri: "Xadiithka Al Mughiirah ee ku suubsan masaxidda jawrabaynka axaadiith-ta ay dadku mas'aladaan ka wariyeen ayuu khilaafay.

" Al Nawawii wuxuu yiri: "Xadiithka Al Mughiirah waa daciif, waxaana daciifiyay Al Xaafith (ibnu Xajar Al Casqalaanii oo ku sharxay Saxiixu Al Bukhaarii Fatxu Al Baarii), iyo Al Bayhaqii, Sufyaan Al Thawrii, Cabdu Al Rraxmaanu bin Al Mahdii, Axmad bin Xanbal iyo Calii Al Madanii iyo Yaxyaa bin Maciin iyo Muslim bin Al Xajjaaj, kuwaasoo ah imaamyada cilmiga Xadiithka.

Sida khufka loo masaxo

Al Majmuuc wuxuu yiri: "waxaa habboon inuu inta kore ee khufka masaxo iyo intiisa hooseba. Markaasuu wuxuu labadiisa gacnood gelinaya biyaha markaasuu calaacashiisa bidix wuxuu saarayaa khufka kana saarayaa ciribta hoosteeda, calaacashiisa midigna wuxuu kor saarayaa foodda faraha cagtiisa. Markaasuu calaacashiisa midig soo marinayaa khufka korkiisa ilaa dhudhunkiisa, calaacashiisa bidixna uu marinayaa cagta hoosteeda iyo rays ma gaadhada ilaa foodda faraha cagtiisa." Xadiithka ay Abuu Daauud iyo Al Tirmithii iyo ibnu Maajah iyo ghayrkoodba ka wariyeen Al Mughiirah bin Shucbah oo in sidaas loo masaxo loo daliilsaday wuxuu ku leeyahay:

"waxaan u wayseeyey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, duullaanka Tabuuk markaasuu wuxuu masaxay khufka dhankiisa kore iyo dhankiisa hooseba." Waana Xadiithka toddoba iyo sagaashan ee Al Tirmithii. Al Nawawii wuxuu yiri:

"waa Xadiith daciif ah, ayna daciif ka dhigeen culummada Xadiithku sida Al Bukhaarii iyo Abuu Zurcah Al Raazii iyo Al Tirmithii iyo kuwo kaleba. Al Sh-shaaficiina, Allaha raalli ka noqdee, wuxuu ka dhigay daciif taag daran oo aan ku dhaqan lahayn, oo Al Sh-shaaficii wuxuu ku bannaystay Xadiithka ibnu Cumar oo uu Al Bayhaqii wariyay.

" Xadiithkaasna waa sidaan: "waxaa wariyay Al Bayhaqii kuna wariyay baabka sida loo masaxo al khuffayni, uuna wariyay Sufyaan Al Th-thawrii oo ka wariyay ibnu Jariir oo ka wariyay Naafic oo wariyay inuu ibnu Cumar masixi jiray khufka intiisa kore iyo intiisa hooseba oo baadhinka ah." Sida khufka gacanta loo mariyo waa sidatan: labada gacnood ayaa biyaha la dhex gelinayaa ama lagu shubayaa, markaasaa gacanta bidix waxaa lala marinayaa dhanka hoose ee khufka, waana cagta cad iyo dhinacyada cagta, (uuna Al Minhaaju ku yiri: "gacanta oo fareheedu kala durugsan yihiin ayaa waxaa lasoo marinaya faraha cagta hoostooda iyo rays ma gaadhada iyo ciribtaba, oo faraha gacanta la isu keeni mayo ayadoo ay sunnadu sidaas 6 tahay) gacanta midgna waxaa lala marinayaa inta kore ee khufka oo ku beegan inta la dhiqi lahaa. Sunnadu ma aha in khufoo idil biyaha la wada mariyo, ayadoo aan la warin inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inta kore iyo inta hoose gacanta mariyay mooyee. Waana in mar keli ah la mariyaa.

Buriyayaalka masaxa khuffaynka

Masaxidda khufka la masaxay waxay ku burtaa saddex waxyaalood oo kala ah:

(Kow) Hadduu khufka iska siibo.

(Laba) Markay mudada loo qabtay dhammaato, ahna saddex maalmood iyo saddexdooda habeen qofka safarka ku jira iyo maalin iyo habeenkeeda qofka gurigiisa jooga.

(Saddex) Hadday yimaadaan waxa qubays waajibinaya.

Ilaahay ma aqbalo salaad aan loo wayso qaadan

Qofkay waysadu ka burtana waa ka xaaraan inuu tukado, waxaana u daliil ah Xadiithkuu Abuu Daauud, waana Xadiithkiisa shan boqol iyo sagaashan, wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

"laa yaqbalu Allaahu salaatan bi ghayri dhahuurin.

" Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

"Ilaahay ma aqbalu salaad wayso la'aan la tukaday.

" Waana Xadiithka uu Muslim, waana Xadiithkiisa laba boqol afar iyo labaatan, ka wariyay ibnu Cumar.

Marka, qofka doonaya inuu ka faa'idaysto ruqsaduu na siiyay Ilaahay Tacaalaa oo ah booraysiga iyo ruqsaduu na siiyay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ah masaxidda laba khuff waa inuu iska hubiyaa inay wuxuu labbisan yahay yihiin khuffaynka ruqsada loo bixiyay, haddii kale salaadduu ku tukaday waa wax kama jiraan oo waa baadhil, bal waa ku dambaabayaa!

Waa intaas kitaabkaanu, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidina wa Mawlaanaa wa Shafiicanaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam tasliiman kathiiran.

qurankariim@webmaster.net
E-mail us: qurankariim@webmaster.net
Email Us: qurankariim@webmaster.net


 

©2007qurankariim ®All rights reserved.