|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 


Xaflad balaaran oo lagu weynaynayay Dhalashadii Nabigeena Muxumad (N.N.K.H) ayaa lagu qabtay Seatle, Washington, USA [Daawo Video-ga]



Jilibweyn, Media center (Jilibweyn.com)

Xafladdan ayaa waxaa soo agaasimay Jaaliyadda Ahlu- kheyrka ah ee ku dhaqan Magaalada Washington waxaana ka soo qeybgalay dad aad u fara badan oo isugu jiray bulshada noocyadeeda kala duwan.


Xafladdan lagu xusayay dhalashada Rasuulkeena Muxamed (SWC) ayaa waxaa lagu soo bandhigay Qasiidooyin fara badan oo nabi ammaan ah, Muxaadarooyin iyo barnaamijyo kale oo looga faaloonayay Taariikhihii dahabiga ahaa ee uu Islaamku soo maray iyo mucjisaadkii, khawaastii iyo bishaaraadkii Nabigeena Muxamed [SWC].

Dadka ka soo qeyb galay xafladaas qiimaha badneyd ayaa waxaa wajiyadooda laga dheehan karay qushuuc aad u fara badan marka la xusuusiyo wanaagii uu lahaa Rasuulkeena Maxamed (SWC) iyo Wanaagii uu dadka fari jiray.

Mowlidka Nabiga [SWC] ayaa waxaa laga xusaa qeybo badan oo kamid ah dunida sanad waliba waxaana Ka soo qeybgala dad aad u fara badan dadkaasi ayaa waxa ay ku macaansadaan Nafaxaatga uu leeyahay mowliidka.

Xafladaasi ayaa waxa ay ku soo gaba gaboobday jawi aad u heersareeya iyadoo dadka ay wajiyadooda ka muuqatay maxabbada ay u qabaan Rasuulka {SWC}.

Halkan hoose ka daawo Flim laba qeybood ah oo laga soo duubay Xafladdaas

ALLAHUMA SALLI CALAL XABIIB MUSDAFAA WA'AALIHI WA ASXAABIHI

(QEYTA 1.AAD iyo QEYBTA 2.AAD )





www.qurankariim.net
E-mail us: qurankariim@webmaster.net
Email Us: qurankariim@webmaster.net


 

©2007qurankariim ®All rights reserved.