Salaamidda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, manta
Intaasoo goor ayay krishtaanka yurub iyo shiicaduba isku dayeen inay jirka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Xujrada Sharafta leh kala baxaan oo ay dalkooda u qaataan, sida kutubbada Siirada loogu wariyay, meeshaanna ayan hadda ahayn meeshaan ku sheegi lahayn taasoo muhimmadeenna naga saareysa.
Kitaabka ugu sahlan oo hadda suuqa yaalla oo aad qaar ka mid ah qorshahaas ka heleysidna waa kitaabka Doktoor Muxammad Ilyaas Cabdu Al Ghanii Taariikhu Al Madiinah iyo kitaabka magaciisu yahay Taariikhu Macaalimi Al Madiinah Al Munawwarah Qadiiman wa Xadiithan, uuna dhigay Shariifka Al Sayyid Axmad Yaasiin Axmad Al Khayyaarii Al Madanii Al Azharii Al Xusaynii, oo ka mid ah dhasha Nabi Muxammad, Sallallaahu Calayhi Wasallam, la oofsadayna toddoba iyo tobanka bisha Rajab ee sanadka kun iyo saddex boqol iyo sideetanka Hijriga, wuxuu Caalinka faallada ku daray iyo wixii cusbaa ee geerida dhigaha kitaabka ka dambeysey magaciisuna yahay Al Istaath Cubaydu Allaahi Muxammad Amiin Kurdii, oo macallin ka ah Jaamacadda Al Kulliyah Al Mutawassidhah li icdaadi Al Mucallamiina bi Al Madiinah Al Munawwarah, ahna Jaamacadda Macallimiinta soo saarta. Zamanka Boqorka Caadilka ahaa Muxammad bin Cimaadu Al Ddiin Abuu Al Qaasim Nuuru Al Ddiini Zankii ayaa sanadka shan boqol iyo toddoba iyo konto salaaddiisa tahajjudka kaddib xoogaa seexday isagoo Salaadda Subax dhawraya. Markaasuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, riyo ku arkay oo ku leh, isagoo laba nin oo timaha madaxoodu midabka dahabka yahay, indhohooduna bulug:
"Anjidnii anqithnii min haathayni" oo macnihiisu yahay: "iiga gargaar oo iga badbaadi labadaan." Markaasuu isagoo naxsan hurdada kasoo kacay, markaasuu intuu weyseystay oo tukaday hadana seexday. Markaasuu isla riyadii hadana mar labaad arkay. Markaasuu isagoo naxsan hurdada kasoo kacay oo intuu weyseystay oo tukaday hadana seexday. Markaasuu markii saddexaad isla riyadii hadana arkay. Markaasuu soo kacay oo yiri: "hurdo dambe ma jirto", oo uu wasiirkiisa u yeeray oo ahaa nin saalix ah oo suuban lana oran jiray Jamaalu Al Diini Al Muusilii (oo wuxuu ahaa dadka Muusil arliga Ciraaq dega).
Markaasuu riyadaiisa uga warramay. Markaasuu Wasiirkiisu wuxuu ku yiri:
Fadhi kuuma yaallo e isla caawa Al Madiinah aad." Haddaan qisada soo gaabinno labadii nin oo uu Nabigu u tilmaamay ayuu Al Madiinah ka helay oo qolka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qol ku dheggan inta ijaartay god ka qoday ilaa ay ka gaaraan Xujrada Shariifka hoosteeda, qirtayna inay krishtaan yihiin soo raacay xujayda dalka Maghrib ama Morocco, ayna doonayeen inay Jirka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qaataan oo ay yurub inta geeyaan Matxaf ama Museum dhigaan oo ay markaas cidda doonaysa inay aragtana lacag uga qaataan. Labadii nin waa la dilay. Markasuu boqorkaasu wuxuu Xujrada ku wareejiyay saddex darbi oo waaweyn oo ilaa biyaha dhulka hoostiisa ah dhaafsan oo dhulka ka hooseeya ku taagan, kana kooban laba darbi oo dhagax waaweyn ah oo uu u dhexeeyo darbi rasaas ah u dhexeeyo. Wuxuuna korka uga wareejiyay shabagga nuxaasta ah oo hortaada ah markaad hor istaagtid
qurankariim@webmaster.net
E-mail
us: qurankariim@webmaster.net
Email
Us: qurankariim@webmaster.net