|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 

Waxa xaaraanta ka ah qof janaaba qaba Waxaa dhigay Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan, DVM



Qofka janaabada qaba waxaa ka xaaraan ah shan waxyaalood:

Kow. Inuu salaad tukado, sida ay culummado isugu raaceen.

Labo. Inuu Quraanka akhriyo, waxaana u daliil ah xadiithka laga wariyay Imaam Cali bin Abii Dhaalib. Waxaana kaloo u daliil ah Aayadda sagaal iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Waaqicah: "Laa yamassahu illaa al mudhahharuuna(79)", oo macneheedu yahay "Mana taabto ruuxaan daahir ahayn(79)". Al Tarmithii wuxuu Ibnu Cumar ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Laa yaqra'u al junubu wa laa al xaa'idu shay'an mina Al Quraani." Xadiithka macnihiisu waa: "Ma akhrin karo qof janaabo qaba iyo haweeney dhiig qabta wax Quraanka ka mid ah.” Wuxuu Ibnu Xabbaan wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Laa yamassu Al Quraana illaa dhaahirun", oo macnihiisu yahay: "Quraanka ma taabto qof aan dhaahir ahayn".

Saddex. Inuu kitaabka Quraanka taabto ama qaado oo wuxuu Al Daarqudhniyyu Cabdu Allaahi ibn Cumar ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Laa yamassu Al Quraana illaa dhaahirun." Xadiith macnihiisu waxaa weeye: "Quraanka yuusan taaban qof aan daahir ahayn".

Afar. Inuu kacbada ku dhawaafo, waxaana u daliil ah xadiithka uu wariyay Al Xaakim, inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Al Dh-dhawaafu bi Al Bayti salaatun" oo macnihiisu yahay: "Kacbada ku dhawaafkeedu waa salaad".

Shan. Inuu masaajidka dhexdiisa ku nagaado, waxaana u daliil ah Aayadda saddex iyo afartanaad ee Suuratu Al Nisaa': "Walaa junuban illaa caabirii sabiilin xattaa taghtasiluu", oo macneheedu yahay: "Iyo adinkoo junub ah inaad dhexdiisa martaan mooyee intaad ka qubaysataan". Wuxuu Abuu Daa'uud ka wariyay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inuu yiri: "Innii laa uxillu al masjida li xaa'idin wa laa junubin", oo macnihiisu yahay: "Anigu u xalaalayn mayo inay masjidka galaan haweeney dhiig qabta iyo qof janaabo qaba, lab iyo dheddigba weeye."

Xw1427H/2006

qurankariim@webmaster.net
E-mail us: qurankariim@webmaster.net
Email Us: qurankariim@webmaster.net


 

©2007qurankariim ®All rights reserved.