|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 

Shan iyo tobanka barood oo xajka ducada lagu aqbalo Waxaa dhigay Al Imaamu Al Nnawawii Waxaa tarjumay Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan, DVM



Shan iyo tobanka barood oo lagu ducaysto

Sunnadu waa in shan iyo toban meelood marka la xajjinayo lagu ducaysto, oo ducada lagu aqbalo, waxayna kala yihiin:

(1) Marka la dhawaafayo,

(2) Al Multazamu,

(3) Al Miizaabu hoostiisa, oo ah dhuunta Kacbada saqafkeeda biyaha roobka kasoo qaadda oo dhulka kusoo shubta(dhuuntaas waxaa markii ugu horreysey dhistay Quraysh markay Kacbada dhistay, waxaana la cusbooneysiiyay, markii u dambeysey 1417 Hijriga, macdanta ay ka samaysantahayna dahab lagu dheehay. Dhererkeedu waa laba mitir iyo saddex iyo konton sentiimitir. Inta darbiga Kacbada ku dhex jirta waa sideed iyo konton sentiimitir. Inta darbiga kasoo baxsanna waa hal mitir iyo shan iyo sagaashan sentiimitir. Dhuunta taaggeedu waa saddex iyo labaatan sentiimitir, ballaceeduna waa labaatan sentiimitir. Waxaa korkeeda ku dhigan Bismi Allaahi Al Raxmaani Al Raxiimi - Yaa Allaahu -)

(4) Kacbada dhexdeeda,

(5) Ceelka Zamzam,

(6) Buurta Al Saffaa dusheeda,

(7) Buurta Al Marwata dusheeda,

(8) Inta Sacyiga lagu jiro oo labadaas buurood loo kala socdo,

(9) Maqaamu Ibraahiimu gadaashiisa,

(10) Banka Carafaat,

(11) Al Muzdalifatu,

(12) Minaa,

(13) Marka Jamratul Uulaa la dhagaxyeynayo,

(14) Marka Jamratul Wusdhaa la dhagaxyeynayo,

(15) Marka Jamratul Caqabah la dhagaxyeynayo. Sidaas waxaan kasoo guurinnay labada Kitaab ee Imaam Al Nawawii ee Manaasiku Al Xajji iyo Al Majmuuc, Allaha u naxariistee.

qurankariim@webmaster.net
E-mail us: qurankariim@webmaster.net
Email Us: qurankariim@webmaster.net


 

©2007qurankariim ®All rights reserved.