|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 

Kitaabka Biyaha Waxaa dhigay Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan, DVM



Asalka biyaha

Al Zarqaanii wuxuu yiri:

"waxaa la wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallallaahu Calayhi Wasallam, yiri:

" Anna awwala maa khalaqa Allaahu yaaquutatan xamraa'a wa nathara ilayhaa bi al haybati fa saarat maa'an, fa wadaca Carshuhu calaa al maa'i ".

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

'Waxa ugu horreeya ee uu Ilaahay abuuray waxaa weeye xabbad yaaquut ah oo guduudan (Yaaquutku waa jawharad qaali ah sida fasaska faragashiga la suro oo midabyo kala kuwan leh oo kale oo luulkaba ka qaalisan.

Dhagaxdaas qaaliga ahna waxaa ugu qiirno badan yaaquutka). Markaasuu si haybad leh u dhugtay oo ay markaas biyo noqotay. Fiiro haybad leh macneheedu waxaa weeye fiiro ay waynaan iyo cabsiini ku dheehan tahay, oo qofka lagu fiiriyo uu cabsanayo. Markaasuu Carshigiisa biyaha dul saaray."

Waxaana ku wariyay Al Azraqii kitaabkiisa sharxu Al Mawaahibu Al Laduniyyah ee Al Qasdhalaanii, kitaabka Al Israa'u wa Al Micraaju.

Biyaha

Waxaa la isku daahiriyaa oo lagu wayso qaataa biyaha. Daahirin macneheedu waxaa weeye nadiifin iyo zuulin najaasada iyo wasakhdaba. Biyuhu waxay u qaybsamaan biyaha Samada iyo biyaha dhulka. Biyaha Samadu waxay u qaybsamaan roobka, baraf dhalaalay iyo dhadada. Biyaha dhulkuna waxay u qayb samaan biyaha wabiyada, biyaha badaha, biyaha ceelasha.

Biyaha Samada ee roobku inay daahir yihiin oo ay wax daahiriyaan waxaa u daliil ah Aayadda kow iyotobnaad ee Suuratu Al Anfaali:

"Wa yunazzilu calaykum mmina Al Ssamaa'i maa'an li yudhahhirakum bihi(11).

" Aayadda macneheedu waxaa weeye: "wuxuuna Ilaahay korkiinna Samada uga soo dejinayaa biyo si uu idiinku daahiriyo(11)."

Biyaha dhulkuna ayaguna Samada ayayba kasoo degeen, siduu Ilaahay Tacaalaa ugu yiri Aayadda kow iyo labaatanaad ee Suuratu Al Zumuri: "Anzala mina Al Ssamaa'i maa'an fa salakahu yanaabiica fii al ardi(21)".

Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Wuxuu Samada kasoo dejiyay biyo markaasuu wuxuu geliyay kaddibna oo ka soo saaray ilo iyo meelo ay ku socdaan(21)."

Biyaha Badaha iyo wabiyada iyo ceelashaba inay ayaguna daahir yihiin la iskuna daahirin karo waxaa u daliil ah Xadiithka uu Maalik ka wariyay Abuu Hurayrah oo yiri: "nin ayaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid oo yiri:

"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaan ku safarnaa badda, waxaanna qaadanna biyo yar, oo haddaan ka wayso qaadanno waan harraadaynnaa, ee biyaha badda ma ka wayso qaadan karnaa?" Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "huwa al dh-dhahuuru maa'uhu al xillu maytatuhu.

" Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "badda biyeheedu waa daahir waxna daahiriya, oo lagu wayso qaadan karo, maydkeeduna waa xalaal." Maydkeeduna waa kalluunka iyo inta noolaha ah oo badda ku noolba, kuwaasoo in gawraco aan u baahnayn, oo ayagoo mayd ah ayay alaal yihiin.

Xadiithka waxaa kaloo wariyay Al Sh-shaaficii, Abuu Daauud, Al Tirmithii, Al Nasaa'ii iyo ghayrkoodba.

Biyaha ceelasha waxaa u daliil ah Xadiithka uu Al Bayhaqii ka wariyay Al Sh-shaaficii inuu Abuu Saciid Al Khdriyyi yiri: "waxaa la yiri:

"Rasuulka Ilaahyow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma ka wayso qaadan karnaa biyaha ceelka B'iru Budaacah (waa daadka saadka ku xiga) oo ah ceel dhexdiisa lagu tuuro suufka haweenka xaydka qaba, oo waxaa kusoo tuuri jiray daadadka ceelka kusoo biyo shuba oo ka keeni jiray bannaannada lagu tuuray, iyo hilbaha eyda iyo wax qurmoonba?" Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:

"inna al maa'a dhahuurun laa yunajjisuhu shay'un." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "biyuhu waa daahir nadiif ah, shayna ma najaaseeyo" Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, biyaha ceelkaas wuu ka wasyso qaatay siduu Al Tirmithii uga wariyay Abuu Saciid Al Khudriyyi, waana Xadiithkiisa lix iyo lixdan. Al Shaaficii wxuu yiri:

"ceelka B'iru Budaacah wuu biyo badan yahay, uuna waasac yahay balaaran, laguna ridi jiray najaasooyin aan midabkiisana doorin jirin iyo dhadhanka biyihiisa toona, aanna laga arki jirin wax urkiisa beddelay.

" Biyaha barafka dhalaalay iyo dhadaduba inay daahir wax daahiriya yihiin waxaa u daliil ah Xadithka uu Al Bukhaarii iyo Muslim ka wariyeen Abuu Hurayrah oo yiri:

"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, in yar ayuu aamusi jiray inta u dhexeysa markuu salaadda xirto oo uu Allaahu Akbar yiraahdo, waana takbiiratu al ixraami, iyo intuusan akhrinta faataxada bilaabin, oo waxbuu intaas oran jiray. Markaasaan waxaan iri:

"aabahay iyo hooyaday ayaan kugu furanayaaye, markaad aamusan tahay inta u dhexeysa takbiiratu al ixraami iyo akhrinta maxaad tiraahdaa?" Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:

"aquulu: "Allaahumma baacid baynii wa bayna khadhaayaaya kamaa baacadta bayna al mashriqi wa al maghribi, Allaahumma naqqinii mina al khadhaayaa kamaa yunaqqaa al thawbu al abyadu mina al ddanasi, Allaahumma ighsil khadhaayaaya bi al maa'i wa al thalji wa al baradi.

" Waana lafdiga Al Bukhaarii, waana Xadiithkiisa toddoba boqol afar iyo afartan iyo Muslim shan boqol sideed iyo sagaashan, oo macnihiisu yahay:

"Ilaahayow aniga iyo dambiyadayda noo kala fogee sidaad qorrax kasoo bax iyo qorrax u dhaca u kala fogaysay oo kale. Ilaahayow, dambiyadayda iga nadiifi si la mid ah sida marada cad wasakhda looga nadiifiyo oo kale. Ilaahyow ku dhaq dambiydayda biyo iyo baraf iyo dhedo.

" Qullatayn. Qullatayn waxaa la yiraahdaa in biyo ah oo meel ku wada jira oo gaara shan boqol oo rodol oo Ciraaqi ah, ama qiyaas laba boqol iyo konton liitar, oo halkii rodol waa qiyaas nus liitar. Biyaha qullataynku ma nijaasoobaan, waana hadduusan dhadhankooda, urkooda iyo midabkoodu is beddelin, waxaana u daliil ah Xadiithka uu Al Tirmithii, waana Xadiithkiisa toddoba iyo lixdan, ka wariyay ibnu Cumar inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

"ithaa kaana al maa'u qullatayni fa innahu laa yaxmilu al kabatha", oo macnihiisu yahay: "biyuhu markay gaaraan qullatayn ma najaasoobaan."

Xasanweli

qurankariim@webmaster.net
E-mail us: qurankariim@webmaster.net
Email Us: qurankariim@webmaster.net


 

©2007qurankariim ®All rights reserved.